Sign in to follow this  
Deeq A.

IMF oo warbixin cusub ka soo saartay deyn cafinta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa warbixin cusub kasoo saartay deyn cafinta Soomaaliya, gaar ahaan hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee barnaamijka deyn cafinta (ECF) oo lagu kala qabtay Nairobi iyo Washington.

Madax guud ee IMF Laura Jaramillo ayaa boggaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aadan hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka deyn cafinta, waxayna ay sheegtay haddii lasoo wado dadaalladan laga gun gaari doono deyn cafinta oo sanado badan soo socotay.

“Haddii Soomaaliya ay sii waddo horumarka joogtada ah ee ku aaddan dib-u-habaynta, waxa ay gaari kartaa heer gabagabo ah hannaanka cafinta daynta cafinta caalamiga ah,” ayay tiri.

Jaramillo waxay sidoo kale sheegtay tallaabooyinka ay Soomaaliya waddo inay u oggolaan doonta in ay daynta ka dhigto ku dhawaad 550 milyan oo dollar halka ay ka ahayd $5.2 bilyan.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay sii socosho iyo taageero degdeg ah oo ay ka helaan saaxiibada caalamiga ah, si loo gacan siiyo,

Dhanka kale wasiirka wasaaradda maaliyadda, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhoweeyey warbixinta ay soo saartay IMF, wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladdu ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan ka mira-dhalinta barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa sanadihii u dambeeyey waqti xoogleh gelisay barnaamijka deyn cafinta, oo muhiim u ah dalka, si loo helo maal-gashi caalami ah.

The post IMF oo warbixin cusub ka soo saartay deyn cafinta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this