Sign in to follow this  
Deeq A.

Wejiga kowaad ee dekedda Garacad oo lagu wado in la daah-furo Sabtida soo socota

Recommended Posts

Deeq A.   
Garacad.jpg

Wejiga kowaad ee dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in si rasmiya loo daah-furo Sabtida soo socota oo ku beegan 22-ka October 2022.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa lagu wadaa in uu daah-furo wejiga kowaad ee dekedda Garacad oo lagu dhisay isku tashi bulsho.

Qaban-qaabada munaasabadda lagu daah-furayo wejiga kowaad ee dekedda cusub oo ka socota Garacad ayaa sida wararku sheegayaan meel geba-gabo ah maraysa.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dekedda ay u diyaarsan yihiin qalab ku filan rarista iyo dejinta shixnadaha ay keenaan maraakiibta xamuulka ah ee kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Wejiga kowaad ee dekedda Garacad oo lagu wado in la daah-furo Sabtida soo socota appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this