Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dhaqaale loo uruuriyay wadada Lafogorayo oo muran ka taagan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1647118830497.jpg

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in guddi ay magacowday dowladda Puntland 2019 oo hayay dhaqaale ay dad Soomaaliyeed ugu yabooheen waddada Lafogorayo ee gobolka Gardafuu ay diideen in ay lacagtaas ku wareejiyaan dowladda.

Lacagta oo dhan $330,000, kuna jirta koontooyin ay maamulaan guddi wadaado ah ayaa dowladdu doonaysay in ay ku darto dhaqaale ku baxaya dhismaha wadada Lafogorayo oo dhawaan bilowday.

Si dhab ah looma yaqaan sababta guddiga lacagtaas uruuriyay ay u diideen in ay ku wareejiyaan dowladda.

Hay’adda Waddooyinka Puntlnad ee PHA ayaa dhawaan shaacisay heshiis ku kacaya lacag gaaraysa $680,000 oo ay la saxiixatay shirkad wadani ah oo fulinaysa dhismaha wadada Lafogorayo.

Roobab da’ay bishii November 2019kii ayaa sababay in ay go’do waddada Lafogorayo oo halbowle u ah gobolka Gardafuu. Lafogorayo waxay ka mid tahay waddooyinka ugu khatarta badan degaannada Punrland.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Dhaqaale loo uruuriyay wadada Lafogorayo oo muran ka taagan yahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this