Deeq A. Posted October 17, 2022 Karim Mostafa Benzema ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay abaalmarinta ciyaartoyga kubbadda cagta ugu wanaagsan sanadka 2022 ee Ballon d’Or. Xiddiga xulka France iyo kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa abaalmarintan Ballon d’Or kaga guuleystay xiddigaha Sadio Mane, Robert Lewandowski iyo Kevin de Bruyne. Weeraryahanka Karim Benzema oo 34 jir ah ayaa xilli-ciyaareedkii hore wuxuu kooxdiisa Real Madriid la qaaday koobab ay ka mid ahaayeen Champions League, LaLiga, UEFA Super Cup, halka dalkiis France uu ka caawiyey UEFA Nations League. Benzema ayaa xilli-ciyaareedkii tegay waxa uu 46 kulan oo u saftay kooxdiisa Real Madrid dhaliyey 44 gool, wuxuuna ahaa xidiga inta badan loo saadaalinayay ku guuleysiga abaalmarintan Ballon d’Or. PUNTLAND POST The post Benzema oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites