Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaan Xaadoole oo ka hadlay deegaanadii ay maanta ka xoreeyeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta Al-Shabaab ka qabsaday degaano badan oo ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle ee mara degmada Balcad.

Ciidanka ayaa caawa galay tuulooyin badan oo hoos taga magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle, goobaha laga xoreeyey Al-Shabaab waxaa ka mid ah Buundadii ugu muhiimsaneed isku socod-kooda ee Xaambe.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo horay u ahaa sarkaal militeri ayaa hoggaaminaya howlgalkaan ka socda deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ilaa xuduuda HirShabeelle iyo K/Galbeed.

Deegaano ay ka mid yihiin, Jamceeco-Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaarey, Jameeco-Mubaarak, Doonka Maxaa Colow, Xaambe iyo Mansaale ayaa lagu xoreeyey howlgalka uu hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole.

“Waxaan umadda u sheegeynaa goobaha aan maanta xoreynay waxaa ka mid ah buundadii muhiimka aheed ee Xaambe, halkaan waxay marin muhiima u aheed cadowga,” ayuu yiri Xaadoole.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dadka ku nool deegaanadaan waaba la yaaban yihiin ciidamada dowladda, anagoo kaashaneyna ciidamada is abaabulay ee deegaanka waxaa noo suurta gashay inaan qabano buundadaan halaq mareenka aheed, dhulkaan oo dhan muhiim ayuu ahaa Al-Shabaab.”

Sidoo kale ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay qabteen maalmihii uu howlgalkaani socday in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha amaanka ee ku sugan aaggaas.

Saraakiil ay kamid yihiin Yaasiin Geedi, guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, Guddoomiye Maxamed Deeq Geedow iyo masuuliyiin iyo saraakiil kale ayaa xildhibaan Xaadoole ku wehliya howlgalkaan.

The post Daawo: Xildhibaan Xaadoole oo ka hadlay deegaanadii ay maanta ka xoreeyeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this