Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare culus oo ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay, tiro kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qarax miino oo caawa ka dhacay xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dadka uu soo gaaray khasaarahaan ay dhamaantood yihiin shacab halkaas marayey, wadada ayaa ah mid mashquul badan.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxaasi ka dhacay ayaa muujinaya in khasaaraha ugu badan uu gaaray dad la socday ugu yaraan labo mooto Bajaaj oo qaraxaasi uu haleelay.

Dhaawacyadii dadkaas aan waxaba galabsan ayaa loola cararay isbitaallada magaalada Muqdisho, lamana yaqaan cidda uu ahaa bartilmaameedka qaraxaan.

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin khasaaraha ka dhashay qaraxaan iyo cida uu ahaa bartilmaameedku.

Kooxda Al-Shabaab ayaa fulisa qaraxyada iyo dilalka ka socda dalka, waxaana xusid mudan in gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka inta ay ka joogaan uu hadda ka socdo kacdoon bulsho iyo cudud militeri oo la doonayo in lagu soo afjaro Al-Shabaab.

The post Khasaare culus oo ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this