Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo billad sharaf ku taxay xulka 17 jirada ee guusha soo hooyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabad maamuus heer sare ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay xulka inay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey qarankeenna.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto argagixisada Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane C/llahi Sheikh Nuur ayaa madaxweyne Xasan Sheekh guddoonsiiyey koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka, waxa uuna uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka.

311734891_498534698984341_74862014558465 311707064_498535252317619_87289707692769 311924374_498535642317580_28513930094526 311607967_498534578984353_89801869690023 309597842_498534848984326_61237767817951 311432333_498534562317688_59356181492618 311654629_498534942317650_78873205418929 311932765_498538342317310_54848288944037 311441466_498535088984302_28629980075260 311666530_498535512317593_38225773889218 311940770_498535168984294_86761006780764 311867031_498534985650979_69403605890416 311692825_498534288984382_77073915420627 311473732_498541118983699_71797617839099 311417583_498534955650982_68584645393258 311428093_498535688984242_74688667056835 311457569_498534648984346_41553988700604 311439629_498534325651045_65660343343478 311867776_498535865650891_45519972830548 311631534_498535885650889_30834793764068 311692349_498534215651056_55245738540702 311591320_498563332314811_33602209445559 311816872_498535812317563_14719167560478 311484391_498535965650881_17605791664257 311600247_498535118984299_10833090422405 311631913_498536095650868_58050547276898 311458653_498564038981407_57513895606798

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo billad sharaf ku taxay xulka 17 jirada ee guusha soo hooyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this