Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharafyo guddoonsiiyay xulka 17-jirrada ee ku guuleystay CECAFA

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16660210372172462.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto Al-shabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhankooda, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad C/llahi Sheekh Nuur ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey Koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka, waxa uuna uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka.

FB_IMG_16660210420741887.jpg FB_IMG_16660210773600092.jpg FB_IMG_16660210856586449-1.jpg FB_IMG_16660210995421584.jpg FB_IMG_16660211140471644.jpg FB_IMG_16660211209697703.jpg FB_IMG_16660211259947278.jpg

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharafyo guddoonsiiyay xulka 17-jirrada ee ku guuleystay CECAFA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this