Sign in to follow this  
Deeq A.

War-cusub:Jabhada TPLF oo Qaylodhaan u dirsatey Bulshada caalamka+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhada TPLF oo Qaylodhaan u dirsatey Bulshada caalamka+Sababta

tigray.webp
Waxaa isa soo tarayaa cadaadisyada caalamiga ah ee ku aadan joojinta colaadda TigrayImage caption: Waxaa isa soo tarayaa cadaadisyada caalamiga ah ee ku aadan joojinta colaadda Tigray

Fallaagada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ka qeyb qaataan sidii xabad joojin deg deg ah ay u wada gaari lahaayeen iyaga iyo dowladda Itoobiya ama inay ka caawiyaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay barta Twitter-ka.

TPLF waxay beesha caalmka ka codsaneysaa inay “cadaadis ku saaraan ciidamada Eritrea inay isaga baxaan Tigray isla markaana dowladda Itoobiya ay ku cadaadiyaan inay soo fariisato miiska wadahadallada”.

Eritrea oo saaxib la ah dowladda Itoobiya waxay ka caawineysay dagaalka ay kula jirtay jabhadda TPLF.

TPLF waxay sidoo kale sheegtay inay diyaar u yihiin joojinta colaadda waa haddii dowladda Itoobiya ay aqbasho wadahadallada nabadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this