Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare hore Rooble oo madaxda Galmudug kala hadlay dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xarunta madaxtooyada Galmudug kulan kula qaatay madaxweynaha maamul gobaleedka Galmudug iyo qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ee deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, halkaas oo uu sheegay in uu u tagay sidii uu qayb uga noqon lahaa howlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ee deegaan doorashadooda tahay Galmudug iyo ra’iisulwasaare hore Rooble sidoo kale kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa abaabulka dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

“Waan uga mahadcelinayaa madaxweynaha Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie, madaxweyne ku-xigeenka iyo bulshoweynta Galmudug sida diirran ee ay Dhuusamareeb noogu soo dhaweeyeen aniga, madaxweynihii hore ee Galmudug iyo wefdi ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. Waxaan galabta Galmudug u soo gaarnay si aan kaalinteenna uga qaadanno xoreynta Galmudug,” ayuu yiri ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.
310096107_606348307948658_19822026239535
310439031_606348347948654_70364298138495
311738118_606348314615324_70663572067614
307507374_606348334615322_23136007636242
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this