Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Xamsa Cabdi Barre: Waxaa billawday xilligii guulaha, waxaana dhammaaday waqtigii guuldarrada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay ka soo baxeyso balanqaadkii ay u sameeysay xulka qaranka ee koobka soo hooyay.

Xamsa Cabdi Barre oo kulan casho sharaf ah xalay magaalada Adis Ababa ugu sameeyay ciyaaryahannada qaranka ee kubadda cagta da’da 17 sano jirada ah ayaa sheegay in ay abaalmarintooda la siinayo ciyaaryahannada iyo dhamaan macalimiintii ka dambeysay in ay Soomaaliya ku guulaysato koobka.

“Waxa aan u mahadcelineynaa cid weliba oo gacan ka geysatay in aan gacanta ku dhigno koobkaan, habeen dhaweed waan kulannay macalimiinta & Ciyaartoyda oo aan u sheegay in aan abaalmarin doonno, Abaalmarintu waa naga diyaar, haddii aad ku guuleysataan tartanka ka dhacaya Aljeris iyadana waxa la bixinayo magac kale u yeella, micno ka weyn in ciyaar lagu guuleystay ayay ituseysaa oo waxa aan arkayaa in aan soo noolaanay, waxaa billawday xilligii guulaha, waxaana dhammaaday waqtigii guuldarrada & Niyad-Jabka”  ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Sikastaba ciyaaryahannada xulka qaranka Soomaaliya ee 17-sano jirada, ayaa saacadaha soo socda ee maanta la filaya in ay ka soo dagaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana maanta fantisyo iyo dabaal deg ay kula sameyn doonaan qaar kamid ah shacabka tuulada ciyaaraha ee Muqdisho Staduim.

311965245_460433902852428_83304707466314
312085381_460434036185748_45737476557037
308107501_460434009519084_59286684370641
309060399_460434069519078_54530819032103
309437426_460433939519091_53370959029295
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this