Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo doonaya in uu xulka qaranka u adeegsado ololeynta siysaasadeed ee Kaah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in urur siyaasadeedka Kaah u maqriqaad u fidinayo xulka qaranka 17-jirada ee ku guulaystay koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

“Ururka Kaah wuxuu martiqaad u fidinayaa dhalinyaradii 17-jirrada ee koobka qaaday…ururka Kaah wuxuu ballan uqaadayaa in uu soo dhaweeyo oo ku damaashaadiyo quruxda iyo hurumarka Puntland..” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo xalay hadal u jeediyay taageerayaal ka mid ah ururka uu guddoomiyaha u yahay.

Hadaba waxaa la iswaydiin karaa sababta Madaxweyne Deni uu kooxda qaran ee guusha keentay ugu casumay magac urur siyaasadeed, isagoo heli kara in uu ku martiqaado magaca guud ee Puntland.

Sida muuqata Madaxweyne Deni ayaa doonaya in uu xul qaranka u adeegsado ololeynta siysaasadeed ee Kaah, balse lama oga in kooxda qaran ee 17-jirrada aqbali doonaan casumaadaas.

PUNTLAND POST

The post Deni oo doonaya in uu xulka qaranka u adeegsado ololeynta siysaasadeed ee Kaah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this