Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Siyaasiyiinta Habar-gidir oo Dhuusomareeb isugu tegay kadib markuu u yeeray Qoor Qoor + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, kadib marti qaad uu u fidiyey madaxweynaha Galmudug.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdigaan ka socday siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan kuwa beesha Habargidir.

Madaxtooyada Galmudug ayaa shaacisay in qorshaha safarka siyaasiyiintaan ay maanta ku tageen Dhuusamareeb uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa kacdoonka beelaha ee dagaalka Al-Shabaab.

“Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen madaxwaynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga sifeenayo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay madaxtooyada Galmudug.

Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed, Senator Cabdi Qeybdiid, masuuliyiin kale oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Habargidir ayuu ka koobnaa wafdigaan maanta gaaray Dhuusamareeb.

Qorshahaan ay Habargidir uga tashaneyso dagaalka Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya iyadoo beelaha Soomaaliyeed intooda badan ay kacdoonkii ugu weynaa sameynayaan, kaas oo u muuqda mid deg deg u soo afjari kara Al-Shabaab.

Inta badan dhulka ay degto beeshaan ayaa ah mid ka caagan Al-Shabaab, waxaana 10 sano ka hor ka xoreysay culumadii Ahlu-Sunna, waxaa xusid mudan in magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Cadaado Matabaan iyo Guriceel oo beeshaan ay degto aysan waligood ka talin kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirrada

311459131_662404242122353_33359245013840 311480822_662404228789021_50100669551159 311486737_662404155455695_46641965921077 311492932_662404295455681_11205412063264 311571641_662404165455694_44146034338043 311595336_662404288789015_59497904582667 311596917_662404175455693_67020711050786 311797275_662404078789036_16628288989209 guuled-2.jpg?resize=696%2C848&ssl=1 guuleed.jpg?resize=696%2C591&ssl=1 Qoor-Qoor-iyo-Rooble.jpg?resize=696%2C46 siyaasiyiinta-habargidir-a.jpg?resize=69 siyaasiyiinta-habargidir.jpg?resize=696%

The post Sawirro: Siyaasiyiinta Habar-gidir oo Dhuusomareeb isugu tegay kadib markuu u yeeray Qoor Qoor + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this