Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha xoogga oo Baydhaba tegay iyo qorshaha socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka gashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa galabta gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Masuuliyiintaan ayaa Baydhaba u tegay abaaulka howlgal ka bilaaba doona deegaanada K/Galbeed, kaas oo hormuud ay u noqa doonaan ciidanka xoogga dalka, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka iyo Taliyaha xoogga ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inay Baydhaba ka abaabulaan dagaal Al-Shabaab looga xoreynayo Bay, Bakool iyo Sh/Hoose.

Safarka wafdigaan uu galabta ku tegay Baydhaba ayaa daba jooga kulan weyn oo shalay ay Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiinta, saraakiisha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada K/Galbeed, kulankaas ayaa looga arinsaday sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada maamulkaas.

Waxaa xusid mudan in shirarka iyo abaabulka ka socda Muqdisho iyo Koonfur Galbeed uusan kaalin muuqata ku laheyn madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, lamana oga sababta.

Waxaa aad u liita kacdoonka bulsho ee xiligaan ka jira Koonfur Galbeed, markii loo eego gobollada kale ee dalka, gaar ahaan inta ay Al-Shabaab joogaan.

Deegaaano hoos taga degmada Bardaale ayuu ka jiraa kacdoon yar, halkaas waxaa ka dhisan koox macawiisley ah oo ‘Dulmidiid’ la baxday, kuwaas oo dhowr jeer dagaal kala hor tegay Al-Shabaab.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in wax badan ay iska bedalaan kacdoon la’aanta ka jirta K/Galbeed, maadaama ay halkaas gaareen, masuuliyiintii ugu sareysay taliska ciidanka xoogga dalka iyo wasaaradda difaaca, sidoo kalena indheer-garadka deegaanadaas ay kulan weyn ku yeesheen Muqdisho.

307174706_641858470642517_72008565704287 307486881_641858490642515_27308725980390 309322970_641858517309179_78745434663928 309441402_641858547309176_69931019546172 Taliyaha-xoogga-odawaa.jpg?resize=696%2C wasiir-jaamac-iyo-odawaa.jpg?resize=696% wasiir-jaamac-iyo-odawaa.jpgaa_.jpg?resi

The post Sawirro: Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha xoogga oo Baydhaba tegay iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this