Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Macalimuu: ATMIS far baa ku godan

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20221016_162347479-1440x810

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay gacmaha ka laabteen dagaalka Al-shabaab.

Xildhibaan Macalimuu oo arrintan kaga hadlay qoraal uu maanta soo saaray ayaa u soo jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya ee ka tirsan yahay in kalfadhiga soo aaddan wax la iska waydiiyo howlgalka ATMIS.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada khaaska ah ee tababarka sare leh ee Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan amarro shisheeye oo ay madaxda ciidamada awood kooban ku leeyihiin, wuxuuna xusay in ay mararka qaarkood ciidamada iyo xoogagga kacdoonka dadweyne galiyaan cabsi iyaga oo u sheegay in dhowr boqol oo Shabaab ah ay dhankoodu ku soo socdaan.

Qoraalka Xildhibaan Macalimuu.

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ATMIS ee hore loogu yaqiin AMISOM sanado ka hor waxa ay ka qeyb qaadan jireen ama hormuud ka ahaayeen howlgallada ka dhanka ah Shabaab. Xilligii wariyenimadeyda waxa aan u raacay howlgallo badan oo Khawaarijta lagaga saaray deegaano badan, sida Qoryooleey, Buulamareer ilaa Baraawe. Barigaas AMISOM waxa ay ku doodi jireen in Ciidamada XDS aaney awood badan laheyn, dadweynaha deegaanadana aaney wadashaqeyn ka heysan. Hadda ciidmadii XDS waa kuwa dagaalka adag kula jira cadowga, Shacabkii waa kaa ku kacay Shabaab, laakiin nasiib darrada jirta waa ATMIS oo gacmaha ka laabtay dagaalkii ay Alshabaab kula jireen oo kaliya ku soo ururay is difaac.

Sidan xal maaha, Baarlamaanka Soomaaliya waxa aan u soo jeedin lahaa kolka uu furmo kalfadhiga innagu soo aaddan in la isku wareysto howlgalka ATMIS. Ciidamo 20,000 gaaraya oo magaca kaalmada Soomaaliya mushahar ku qaata, oo aan hadana kuu ciidmineyn waa arin culus oo shaki badan abuureysa.

Waxa kaloo iyana nasiib darro kale ah ciidamada khaaska ah ee tababarka sare leh ee Soomaaliyeed in ay ku shaqeeyaan amarro shisheeye oo ay madaxda ciidamada awood kooban ku leeyihiin. Waxa ay mararka qaarkood ciidamada iyo xoogagga kacdoonka dadweyne galiyaan cabsi iyaga oo u sheegay in dhowr boqol oo Shabaab ah ay dhankoodu ku soo socdaan drone-kooda ay arkayaan. Ma duqeynayaan, juuq uma yiraahdaan, hadiise iyagu ay howlgalku qeyn ka yihiin dhan walba waa laga taageerayaa oo ay ku jirto duqeynta ay codsadaan si loo yiraahdo ciidamada dal heblaayo uu tababaro waa cajiib. Ma garan karo goorta ciidan Soomaaliyeed uu labo qaanad kala galay.

Waxa la joogaa xilligii Shabaab waddanka laga saari lahaa, hadii ciidamada ajnabigu aaney howlgalka iyo dagaallada socdaa aaney qeyb ka aheyn, ma aqaano sabab ay dalka u joogaan.

Hadii ay inanga baxaan Shisheeyaha sadax uun bey mid noqon. In runta loo dhaadhaco oo aan Shabaab jihaad sax ahaan la galno kana adkaanno, sida ka jirta deegaanno badan oo Soomaaliyeed. In Shabaab sidii Daalibaanka ay inanga adkaadaan oo dalka ay la wareegaan.
Iyo In cid walba ay taagtiisa runta u sheegto oo la gaaro hishiis dhab ah.

Wixii intaas ka soo hara waa qorshe Ha Dhiman ,Hana Noolaan (Daalac Naasil). Waxaan aaminsanahay hadii ay daacadnimo jirto Shabaab bilo yar gudahood si weyn ayuu u wiiqmayaa lagagana adkaanayaa balse waxa muuqata ra’yi ay dad badan ka qabaan shisheeyaha waddankeenna jooga oo ah in Shabaab nalku dul hayo.

Wabbilaahi Towfiiq
Xildhibaan Macalimuu

The post Xildhibaan Macalimuu: ATMIS far baa ku godan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this