Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa hubiya tayada daawooyinka la keeno Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20221016-WA0017.jpgQaar ka mid ah daawooyinka samayskoodu hooseeyo, sida ay Laanta Caafimaadka Adduunku sheegtay

Garoowe (Wararka PP) — Ku dhowaad laba sano ka hor ayay Puntland Post soo saartay baaris ku saabsan sida loo iibiyo daawooyinka caabuqa bi’iya oo dadku u yaqaannaan qalajiye (antibiyootiko). Baarista waxaa lagu ogaaday in xiriirka la sheegay inuu ka dhexeeyo qaaxada aan laga bogsoon iyo iibinta antibiyootikada aan loo marin waddo sax ah uu jiro.

IMG-20221016-WA0013.jpgWarbixintii Puntland Post ay Maarso 2021 ka qortay antibiyootikada farmashiyeyaasha Puntland iibiyaan warqad dhakhtar la’aan. IMG-20221016-WA0015.jpgWariye Puntland Post ka tirsan ayaa sanadkii hore antibiyootiko ka soo iibsaday dhowr farmashiye ku yaalla Garoowe warqad dhakhtar la’aan.

Ilaa hadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland dabagal kuma samaynin dhibaatadan caafimaad mana soo saarin tilmaamo lagu hagayo farmashiyeyaasha iibiya antibiyootikada warqad dhakhtar la’aan.

IMG-20221016-WA0016.jpgWHO oo ka digtay tayo xumada daawooyinka halista ku ah caafimaadka carruurta Afrika.

Sanadkan 69 carruur ayaa dalka Gaambiya ugu geeriyooday sharoobbo Shirkad Maraykan ah ay Hindiya ku samaysay oo ay cabeen awgeed. Afarta sharoobbo sababay geerida carruurta waa: Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup, iyo Magrip N Cold Syrup. Laanta Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in afarta sharoobbo loo sameeyay heer aad uga hooseeya habka loo sameeyo daawooyinka loogu talagalay carruurta.

IMG-20221016-WA0012.jpgQuartz Africa oo wax ka qortay daawooyinka iyo shirkadda ay dowladda Gaambiya tallaabada ka qaadday.

Daawooyin Hindiya laga keenay ayaa lagu iibiyaa farmashiyeyaasha Puntland. Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’adaha u xilsaaran dhowrista caafimaadka dadweynaha way ka gaabiyeen ku baraarujinta farmashiyeyaasha waajibka ka saaran iibinta daawooyin aan halisgalinaynin caafimaadka dadka.

© Puntland Post, 2022

The post Yaa hubiya tayada daawooyinka la keeno Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this