Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in A/Madoobe uu Yurub u tegay dood ku saabsan dadka isku jinsiga ah?

Recommended Posts

Deeq A.   

Veinna (Caasimada Online) –  Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) oo ka mid ah wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan booqasho ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ka warbixiyey safarka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaan Ciirow ayaa marka hore beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka kaas oo ku saabsanaa in safarkiisa uu la xiriro arrimo ku saabsan u doodida dadka isku jinsiga ah ee is guursanaya, taas oo sare u kacday, markii uu la kulmay dhiggiisa dalka Netherlands haweeneyda lagu magacaabo Marwo Vera Bergkam.

Xildhibaanka ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo sheegay in lagu suurad xumeynayo booqashada guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

“Social Media waxaan beryahaan ka arkeynay warar soo xumeynaya wafdiga guddoomiyaha dad suurad xumeynayo oo si xun u fasirayo ayaan arkeynay. Sheekh Aadan Madoobe waa nin culumo ah marka kama suurtowdo waxyeelaha la sheegayo, Ummadda Soomaaliyeedna uma qalanto, isagana lagama yaabo inuu waxaas ku kaco,” ayuu yiri.

Sidoo kale intaasi kusii daray in arrintan ay meel ku dhac ku tahay guddoomiyaha iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in aan loo baahneyn waxaas oo kale.

“Waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed ma marin habaabin kartaan kuwiina caloosha ka jiran waxaa weeye waa wax aan loo baahneyn oo meel ka dhac ku ah magaca Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in natiijo wax ku ool ah laga gaaray booqashada guddoomiyaha uu ku tegay Belgium, Netherlands, Austria & Luxemburg.

“Waxaa hadda joognaa Magaalada Vienna ee Austria oo aan uga qaybgalnay kulan heshiis iskaashi ay kuwada galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas & Guddoomiyaheenna, Guddoomiyaha waxa uu baryahaan safar ku marayay Belgium, Netherlands, Austria & Luxemburg oo ay casuumeen Guddoomiyaasha Baarlamaannada Dalalkaas oo ay wada galeen heshiisyo iskaashi oo Baarlamaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Ciirow.

The post Maxaa ka jira in A/Madoobe uu Yurub u tegay dood ku saabsan dadka isku jinsiga ah? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this