Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo uu hoggaaminayey Cismaan Xaadoole oo la wareegay deegaano hoostaga Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanno horleh oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay halkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa horkacayey Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana horey u ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Milariga.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan iyo guddoomiye ku xigeenka amniga deegaanka Daaru-salaam Maxamed Deeq Geedow, waxaayana ay ciidamo kula wareegeen deegaano dhaca bariga degmada Balcad.

Deegaannada ay maanta gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Mukaydheere, Yaaqle, Shanlow, Kooreebe, Farbaraki iyo Dhagaxow, halkaas oo muddo badan ay maamulayeen xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta howlgalka qaybta ka ahaa ayaa sidoo kale meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, waxayna ugu baaqeen inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

Dhanka kale ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in aysan jirin iska caabin xoog badan oo ay sameeyeen Al-Shabaab, marka laga tegao dagaallo kooban oo ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo ka waday gobolkan, kuwaas oo abaabulka weyn haatan ka wada degmada Cadale oo dhacda xeebta.

The post Ciidamo uu hoggaaminayey Cismaan Xaadoole oo la wareegay deegaano hoostaga Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this