Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ka hadlay kacdoonka hubaysan ee qabaa’ilka Soomaaliyeed kula jiraan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
2-2.jpg

Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay kacdoonka hubaysan ee beelaha Soomaaliyeed kala horyimaadeen kooxaha Al-shabaab si ay degaannadooda uga saaraan.

Safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya  Ambassador Larry Andre ayaa sheegay in Maraykanku taageerayo qorshaha midaysan ee dowladda Soomaaliya iyo qabaa’ilku isaga kaashanayaan dagaalka Al-shabaab.

Safiirka Maraykanka ayaa sidoo kale qabaa’ilka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay u midoobaan cirib-tirka kooxaha argagixisada ah ee ragaadiyay Soomaaliya waxaana uu sheegay in duullaanka ka dhan ah Al-shabaab uu yahay mid lagu tijaabin doono awoodda beelaha Soomaaliyeed.

“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan? Ma waxay muujinayaan in ay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay” ayuu yiri safiirka

“Waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaanteen” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ka hadlay kacdoonka hubaysan ee qabaa’ilka Soomaaliyeed kula jiraan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this