Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo shaacinaysa magacyada afar shirkadood oo Al-shabaab u gudbisa xogta dekedda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Jbiriil-1440x960.jpg

Dowladda Soomaaliya ayaa heshay xogta afar shirkadood oo Al-shabaab u gudbisa macluumaadka shixnadda saaran maraakiibka ku soo xirta dekedda Muqdisho sida ay shaacisay dowladdu.

Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sheegay in dowladdu heshay xogta afar shirkadood oo Al-shabaab siiya macluumaadka shixnadaha saaran maraakiibta imaanaysa dekedda Muqdisho si ay Al-shabaab u canshuuraan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhowaan soo gudbinayaan magacyada shirkadaha Al-shabaab siiya xogta shixnadaha yimaada dekedda Muqdisho oo sida uu tilmaamay Shabaabku ka qaadaan canshuur xad-dhaaf ah.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ka cabanayaan ninka ganacsadaha ah inta uusan helin Konteenarka kasoo baxa China macluumaadkiisa ayay kooxaha Shabaab helaan waxaana la wadaaga arrinkaas oo aan haynaa illaa afar shirkadood” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa sidoo kale digniin culus u jeediyay Ganacsatada la-macaamila Al-shabaab waxaana uu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo shaacinaysa magacyada afar shirkadood oo Al-shabaab u gudbisa xogta dekedda Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this