Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta Afar Shirkadood Oo Alshabaab U Gudbisa Badeecadaha Laga Soo Dajiyo Dekeda Weyn Ee Magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa heshay xogta afar shirkadood oo kooxda Al-Shabaab u gudbiya macluumaadka shixnadaha saaran maraakiibta ku soo xidhata dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay inay soo gudbinayaan magacyada shirkadahan oo uu sheegay inay Al-Shabaab siiyaan xogta alaabaha dekedda laga soo dajiyo, si ay canshuur xad dhaaf ah uga qaataan ganacsatada badeecadahaasi iskaleh.

Arrinta la yaabla leh ayaa ah in Al-Shabaab xogta ay helaan ka hor inta aanu markabka dekedda kusoo xidhan, iyadoo xogta la siiyo inta aan shixnadaha laga soo dhoofin dekedaha Shiinaha.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ka cabanayaan, ninka ganacsadaha ah inta aanu helin Konteenarka kasoo baxa China macluumaadkiisa, ayay kooxaha Shabaab helaan, waxaana la wadaaga arrinkaas oo aan haynaa saddex illaa afar shirkadood,” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Si kastaba, Wasiirka ganacsiga ayaa wuxuu ugu baaqay wasiirka dekedaha dowladda Soomaaliya inuu liisanka kala noqdo dhammaan shirkadahan. Isagoo sheegay inuu la wadaagidoono magacyadooda iyo xogtooda, si dowladda talaabo looga qaado.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this