Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Loo Magacaabay Madaxa Dambi-baadhiska Kenya, Akhriso Taariikhdiisa Oo Kooban

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Ibraahim Maxamed u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baadhiska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI.

Amiin ayaa beddeli doona agaasimihii hore ee waaxda Dambi-baadhiska Kenya, George Kinoti, oo xilkaas iska casilay, sida lagu shaaciyay bogga Facebook ee DCI-da.

Amiin ayaa kasoo jeeda magaalada Wajeer, in muddo ahna waxa uu ku jiray shaqada Dambi-baadhiska.

10 murashax ayuu kasoo dhex baxay

Magacaabistiisa ayaa timid kaddib markii turxaan bixin lagu sameeyay 10 murashax oo u tartamay jagadaas. Waxaa murashaxiinta wareysi ka qaaday Guddiga adeegga Booliska ee Kenya.

Mas’uuliyiinta guddiga ayaa markaas kaddib xogtooda ugu gudbiyay madaxweyne Ruto, iyagoo kula talinayay qofka u qalma booskaas, markii ay eegeen tobanka murashax.

Murashaxiinta kale ee la tartamayay ayaa kala ahaa, Nicholas Kamwende oo ka tirsan saraakiisha Dambi-baadhiska, madixii hore ee waaxda la dagaallanka argagixisada, Munga Nyale, Mr Bernard Marasa Walumoli, Eliud Kipkoech Lagat; Ms Esther Chepkosgei Seroney, David Kipkosgey Birech, Jonyo Michael Wiso, Paul Ndambuki iyo Dr Simon Wanderi, oo ah madaxa qeybta baadhitaannada ee hay’adda tareennada ee Kenya.

Soo xulashadiisa markii dambe isu beddeshay magacaabista ayaa si rasmi ah usoo baxday Jimcadii oo ay taariikhdu ku beegneyd 14-ka bishan October.

Dhowr xil oo uu hore usoo qabtay

Ka hor inta aan loo magacaabin xilkan, Amiin waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Gudaha, oo qaabilsan inay baadhitaanno ku sameyso cabashooyinka ka dhanka ah booliska.

Haddase isagoo madaxa DCI-da ah ayuu ku noqonayaa hay’addan oo uu hore uga soo shaqeeyay, xilal kala duwanna kasoo qabtay.

Jagooyinka uu hore ugasoo qabtay gudaha DCI-da waxaa ka mid ah inuu ahaa madaxa qeybta baadhitaannada ee Xarunta Dhexe, Madaxa Howlagallada, Madaxa qeybta qaabilsan musuqmaasuqa Bangiyada iyo xilal kale.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation, intii u dhaxaysay 2009 iyo 2010, Amiin Maxamed waxa uu ku sugnaa qaybta baadhista ee dhaca iyo wax isdaba marinta bangiyada ee hay’adda DCI.

Sannadkii 2004-tii, waxa uu ahaa Madaxa Baadhista ee xafiiska dabagalka. Waxa kale oo uu hoggaaminayay dhammaan baadhitaannadii la xidhiidhay Adeegga Booliska Qaranka (NPS).

Sannadkii 2014-kii, waxa uu ahaa Isu-duwaha Xarunta DCI-da ee Gobolka Bartamaha, waxa kale oo uu hormood ka ahaa hawl-galladii xarunta dhexe ee DCI intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015.

Jagadiisii ​​ugu dambeeyay ee DCI waxa ay ahayd Isuduwaha Gobolka Waqooyi Bari intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019.

‘Dhiig cusub oo lagu shubay waaxda Dambi-baadhiska’

Amiin Maxamed waxa uu muddo dheer kasoo shaqeynayay laamaha amaanka ee Kenya, markii ugu horreysayna waxa uu booliska ku biiray sannadkii 1989-kii, sida ay qoreen warbaahinta ugu waaweyn Kenya, oo uu ku jiro wargeyska Nation.

Waxa uu leeyahay khibrad 30 sanno ka badan oo la xidhiidha arrimaha Dambi-baadhiska  taas oo u sahashay in loo magacaabo jagadan saameynta weyn leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this