Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Tahay Sababta Shaqada Looga Caydhiyey Wasiirkii Maaliyadda Ee UK?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii maaliyadda ee UK Kwasi Kwarteng ayaa xilka laga qaaday. Isaga qudhiisa ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Liz Truss uu ka codsaday inuu ka tago jagada.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii maalintii jimacada Mr Kwarteng uu si deg deg ah uga soo laabtay shir ka dhacay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, wuxuuna si toos ah u tagay Downing Street si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaare Liz Truss.

Markii aad iga codsatey inaan qabto jagada wasiirka maaliyadda, waan oggolaadey, inkastoo aan si buuxda uga warqabay in xaaladda na soo food saartay ay ahayd mid aad u adag, oo ay tahay inaan la tacaalno kor u kaca qiimaha dul-saarka iyo kor u kaca qiimaha shidaalka iyo tamarta ee caalamka, ayuu qoray Kwarteng.

Kwarteng ayaa ku adkeysanaya in cashuur dhimis ay tahay dariiqa saxda ah ee loo maro haddii Britain ay ku guuleysato inay ka baxdo xaaladda adag.

Truss ayaa u magacaabtey wasiirka cusub ee maaliyadda xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Jeremy Hunt kadib Kwarteng. Jeremy Hunt waxa uu hore uga mid ahaa labada dawladood ee David Cameron iyo Theresa May.

Truss ayaa ku dhawaaqday isbedel lagu sameeyay cashuurta shirkadda.

Xukuumadda Truss waxay la kulantay dhaleecayn badan tan iyo markii miisaaniyada dheeriga ah la daabacay saddex toddobaad ka hor.

Truss iyo Kwarteng ayaa mar hore lagu qasbay inay ka laabtaan cashuur dhimis kuwa dakhligoodu badan yahay ee hodanka ah.

Shir saxaafadeed ay qabatey Raysal wasaaraha UK Liz Truss ayey kaga dhawaaqday in qorshayaasha lagu dhimaayo cashuurta shirkadaha laga noqon doono. Sida laga soo xigtay Truss, tani waxay badbaadin kartaa £18 bilyan sannadkii.

Lacagta Istarliinka ayaa hoos ugu dhacay heerarkii ugu hooseeyay, kii ugu xumaa wuxuu ahaa qiimihii pound-ka ee 1.03 marka loo eego dollarka, waana kii ugu hooseeyay tan iyo horraantii 1980-yadii.

Durba waxaa soo baxdey koox ka tirsan xisbiga Raysal wasaare Truss in ay doonayaan in iyaduna xilka banayso.

Sida ay sheegtay BBC-da, kooxdan ayaa go’aansatay inay si badheedh ah uga codsato ra’iisul wasaare Liz Truss inay is casisho kaddib markii ay shaqada ka eriday Kwasi Kwarteng.

Kooxdan ayaa ka kooban xubno miisaan ku leh xisbiga, waxay qorsheynayaan inay toddobaadka soo socda soo saaraan war-murtiyeed.

Truss waxay u isticmaashay kaadhka ay shaqada uga caydhisey Mr Kwasi xiligii ay ololaha ku jirtey. Waxay ku guulaysatay codka xisbiga Konserfatifka qorshe ku saleysan barnaamijkan. Waa wax aan caqli gal ahayn in ay hadda eedayso Kwasi, ayuu yidhi qof ka tirsan kooxda ka soo horjeesatey Truss.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this