Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka Soomaaliya oo ku guuleystay koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 17-jirada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16658456332524714.jpg

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee 17-jirada ayaa ku guulaystay koobka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, markii ay 3–1 kaga adkaadeen kooxda South Sudan.

Ciyaarta kama dambaysta ee tartankan ayaa ka dhacday garoonka ciyaaraha Addis Ababa, waxaana xulka Soomaaliya goolasha ka waaciyay Cabdixafiid oo qaybtii hore ee ciyaarta gool kowaad dhaliyay iyo Cabdiraxiin Muxyadiin oo qaybtii dmabe labo gool oo daran-doori ah is-raaciyay.

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee 17-jirada ayaa tartankan ku bandhigay ciyaaro wanaag, iyaga oo dhexda ku soo garaacay Uganda iyo Itoobiya ka hor intii aanay imanin final-ka oo ay South Sudan cashar ugu dhigeen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay gaareen Kooxda Xulka Qaranka ee da’yarta ka yar 17 sano.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo habeen hore kulan dhiirigelin iyo dardaaran ah la yeeshay kooxda iyo macallinkooda, ayaa sheegay inay ka soo dhalaaleen doorkooda — shacabka Soomaaliyeed iyo Xukuumadoodana ay si heer sare ah u soo dhaweyn doonaan.

PUNTLAND POST

The post Xulka Soomaaliya oo ku guuleystay koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 17-jirada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this