Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey Madasha Tana Forum oo sanadkan lagu qabanayo dalkaasi.

Xamza Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya guud Qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Sidoo kale wuu shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ku shaqeyneyso Hiigsiga Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah, iyadoo ahmiyadda siineysa nabadda.

Dhanka kale Xamza waxa uu sheegay in amniga ka sokow dhibaatooyinka heysta qaaradda ay ugu weyn yihiin saameynta isbeddelka cimilladu ku keentay dalal fara badan – oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale khdubadiisa kusoo daray howlgallada ka socda dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda ay guulo ka gaartay dagaalka kooxda Al-Shabaab, isla-markaana laga saareen dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madasha Tana Forum oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaamiyeyaal iyo madax kale oo ka socota qaaradda Afrika iyo hey’ado caalami ayaa lagu wadaa in berri la soo gabagabeeyo.

311602151_541428464651442_33940682030374 311288789_541428447984777_66234309647848 311407926_541428454651443_69727299413833 311587607_541428461318109_34236671467209

The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this