Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqortooyada Sacuudiga oo Ukraine siinaysa $400 Milyan

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyada Sacuudiga oo Ukraine siinaysa $400 milyan oo gargaar bini’aadannimo ah

Mohamed bin Salman
Mohamed bin Salman

Sacuudiga ayaa 400 oo milyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo ah siin doona dalka Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ee SPA.

Wakaaladda SPA ayaa intaas ku dartay in dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu Jimcihii khadka telefoonka kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.

Amiirka dhaxal-sugaha ah ‘ayaa muujiyay sida ay boqortooyada Sacuudigu diyaarka ugu tahay inay sii waddo dadaallada dhexdhexaadinta iyo taageeridda wax kasta oo gacan ka geysanaya joojinta dagaalka Ukraine’ sida ay sheegtay SPA.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this