Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo dhinacyada Itoobiya ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray mar kale ku celiyay mowqifka Maraykanka colaadda Itoobiya, isagoo sheegay in ay uu aad uga walaacsan yihiin rabshadaha ka socda waqooyiga Itoobiya.

“Waxaan ku celinaynaa in dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ay si deg-deg ah u joojiyaan dhammaan colaadaha oo ay si dhab ah uga qayb galaan wadahadallada nabadeed ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee soo socda,” ayuu yiri Blinken.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabbilsan Geeska Africa Mike Hammer ayaa Jimcihii ku sugnaa magaalada Addis Ababa, booqashadaas oo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday ku dhawaad laba sano ee u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Tigreega.

Quwadaha reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Arbacadii ku boorriyay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) in ay billaabaan wadahadallo nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, waxayna ugu baaqeen dalka deriska ah ee Eritrea in ay ciidamadeeda kala baxdo goobta dagaalka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo dhinacyada Itoobiya ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this