Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Ganacsatada ka mamnuucday la-macaamilka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu amray dhammaan Ganacsatada Soomaaliyeed in aysan wax macaamil ah la yeelan karin kooxaha Al-shabaab.

War-saaxafadeedka ayaa lagu caddeeyay in diiwaan-gelinta iyo rukhsadda lagala noqon doono Ganacsidihii ku lug-yeesha la-macaamilka Al-shabaab islamarkaana lala wareegi doono dhammaan hantidiisa.

Dowladdu waxay sheegtay in Ganacsadihii ay ku caddaato in uu u hoggaansamay awaamiirta Al-shabaab ama dhaqaale maaliyadeed siiya aanu dib danbe uga ganacsan doonin dalka.

2-1.jpeg 2-1.jpg

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Ganacsatada ka mamnuucday la-macaamilka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this