Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Digniin Kama Dambeys Ah U Dirtay Ireland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa diginiin kama dambeys ah u dirtay Ireland oo ku saabsan mowqifkeeda dagaalka labada sanno ka socda dalkaas, ayada oo ku eedeysay cadaawad kana digtay inuu go’i karo xidhiidhka diblomaasi ee labada dal.

“Ireland waxa ay si aan kala joogsi laheyn oo xooggan u waxyeeleyneysay Itoobiya labadii sanno ee tegay,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yidhi Redwan Hussein oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

“Codsigii dowladda ay sameysay markii ugu dambeysay waa la diiday oo dhegaha laga fureystay. Sidaas darteed, waxaa waajib ku noqotay inay kama dambeys rasmi ah toddobaadkan u dirto dowladda Ireland,” ayuu yidhi Redwan isaga oo aan bixin faah-faahin.

Redwan ayaa xihiidhka labada dal ku qeexay inuu joogo “halkii ugu hooseysay.”

Ma  cadda waxa dhaliyey cadhada ka dhanka ah Ireland oo hadda ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Codsi ay wakaaladda wararka AFP u dirtay safaaradda Ireland ee Addis Ababa lagama jawaabin.

Bishii November ee sannadkii tegay, Itoobiya ayaa amartay caydhinta afar ka mid ah lixda diblomaasi ee Ireland ee Addis-Ababa.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ireland ayaa xilligaas sheegtay in mas’uuliyiinta Itoobiya ay muujiyeen in go’aankaas loo qaatay “sababo la xidhiidha mowqifyada Ireland ee masraxyada caalamiga ah ee ku aadan dagaalka iyo xasaradaha bani’aadannimo ee dalka Itoobiya.”

Caydhinta ayaa timid saddex toddobaad kadib markii Ireland ay ku biirtay Golaha Ammaanka kuna baaqday xabad-joojin laga sameeyo dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas, islamarkaana ay wadahadlaan dhinacyada dagaaalamaya.

Bayaan ay baahisay warbaahinta Fana, ayey wasaaradda arrimaha dibeda Itoobiya ugu baaqday Diblin “inay faraha kala baxdo cadaawadda ka dhanka ah Itoobiya.”

Waxa ay ka ashtakootay in intii ay tageeri laheyd dadaallada dowladda ay kusoo afjareyso dagaalka u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xoogagga TPLF, “ay Ireland sii waddo inay Itoobiya weerarto ayada oo adeegsaneysa xubinnimadeeda Golaha Ammaanka QM, Midowga Yurub iyo meelo kale.”

Waxay sheegtay in Ireland “ay u muuqato inay damacsan tahay inay xoojiso TPLF kuna baaqeyso ficillo ka dhan ah Itoobiya ayada oo adeegsaneysa xubinnimadeeda Golaha Ammaanka.” Waxay sidoo kale ku eedeysay Dublin inay hortaagan tahay dadaalalda ay Addis-Ababa ku hagaajineyso xidhiidhka Midowga Yurub.

“Ayada oo ay tahay isku daygii ugu dambeeyey, waxaan heli karnaa fursad aan kaga wadatashano haddii ay jirto rabitaan wadajir ah oo aan ku raadineyno xidhiidhkeena diblomaasiyadeed,” ayay wasaaraddu ka digtay.

Xidhiidhka Addis Ababa iyo Brussels ayaa u xumaaday sababo la xidhiidha dagaalka oo qarxay November 2020, islamarkaana tan iyo markaas dilay tiro dad ah oo aan la sheegin, islamarkaana dhaliyay xasarad bini’aadannimo oo weyn.

Ireland, oo xidhiidh diblomaasi la lahayd Itoobiya tan iyo 1994, ayaa hadda ka digta in loo safro meelo badan oo Itoobiya ah oo ay ku jiraan Tigray iyo gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

AFP, VOA

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this