Deeq A. Posted October 14, 2022 Allah unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadii caanka aheyd Shamso Maxamuud Xirsi oo loo yaqaan (Shamso Daadsan ) oo muddooyinkaan dambe xanuunsaneyd. Shamso ayaa salaaddii Jimce Kadib ku geeriyootay hoygeeda oo ku yaalla Ex-fiyoore ee Degmadda Waardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana ay kamid aheyd Hoboladda Qaran ee Waaberi . Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda federalka Cabdullahi Xayir Ducaale oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuumad shamsa maxamuud xirsi Daadsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites