Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: ciidamo badan iyo gaadiid dagaal oo gaaray Gobolka Hiiraan iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamadii ugu badnaa oo ah kuwa degaanka iyo Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed sida Ciidamada kumaandooska DAMAB iyo Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ayaa gurmad ahaan u gaaray degaanka Yasooman iyo nawaaxigeeda .

Ciidamadaan oo ah qeybtii labaad ayaa ka kala timid Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qeyb ka noqonaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa horkacayo gulufka dagaal ee Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka wadaan Gobolka Hiiraan, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo kad ajiyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana laga saaray deegaano badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo ra’isulwasaare Xamze Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in laba sano gudahood ay dalka uga sifeenayaan kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo ka badan 15 sano waxay ka dagaaameysaa gudaha Soomaaliya, waxaana dagaalkooda awgeed dalka loo keenay ciidamo ka socda midowga Africa.

FB_IMG_1665724093961.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1665724090560.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1665724073354.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1665724066170.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1665724062164.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1665724109432.jpg?resize=696%2C46

The post Sawiro: ciidamo badan iyo gaadiid dagaal oo gaaray Gobolka Hiiraan iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this