Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Ministers to Ethiopia

Recommended Posts

u_2d_2007-8-13-15-28-54f_u_2d_2007-2-5-8

 

Hargeysa(Qaran)- Wasiirada Maaliyada Somaliland Mudane xuseen Cali ducaale [Cawil] Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa galabta si kadis ah ugu ambo-baxay Dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya.

 

Weftigan ka kooban labada Wasiir ayaa galabta ka dhoofay gegada diyaaradaha Magaalada Hargeysa,mana jiro war rasmi ah oo Xukuumadu ka soo saartay booqashadooda iyo mudada ay maqnaanayaaba.

 

Wasiirka Maaliyada Md Xuseen cali Ducaale[Cawil] ayaa madaarka ugu sheegay warbaahinta Qaranka in Socdaalkoodu la xidhiidho sii adkaynta wax uu ku tilmaamay heshiiska wadamada Somaliland Iyo Itoobiya,hase yeeshee waxa uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo ujeedada Socdaalkooda iyo inay wadamo kale uga sii gudbiyaan Itoobiya.

 

Wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay inay la kulmi doonaan Wasiiro iyo xubno ka tirsan Dawlada fadaraalka ah ee Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-08-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil] ayaa Galabta socdaal kadis ah ugu an-babaxay Caasimada dalka Ethiopia ee Adis ababa

 

Weftigan oo isugu jiray Wasiirada Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil], Hawlaha guud iyo Guryeynta Siciid Sulub Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Telefishanka Qaran Maxamed Muuse Diiriye.

 

“U jeedada Socdaalkayagu waxay la xidhiidha, sii xoojinta iyo wax wada qabsiga xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dalka Somaliland iyo dalka Ethiopia” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale oo ka oo Saxaafada ugu waramayey qolka nasashada ee dhabaha Dayuuradaha ee Magaalada Hargeysa oo sharaxaad ka bixinayey u jeedada Socdaalkooda ay ku tagayaan dalka Ethiopia.

 

Agaasimaha Guud ee Tilifiishanka Qaran Maxamed Muuse Diiriye ayaa isna sheegay mudada ay halkaasi joogaan uu masuuliyiinta dalkaasi Ethiopia kala hadlidoono sidii ay xidhiidh sare u yeelan lahaayeen war-baahinta Somaliland ta Ethiopia oo ay tababar u siin lahaayeen.

 

Socdaalka weftigan ayaan la sheegin mudada ay halkaasi joogayaan iyo arrimaha kale ee ay ka wada hadlayaan marka laga yimaado wixii ay hore u sheegi jireen markasta oo ay safar ugu baxayaan dalka Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this