Jacaylbaro Posted August 14, 2007 Hargeysa(Qaran)- Wasiirada Maaliyada Somaliland Mudane xuseen Cali ducaale [Cawil] Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa galabta si kadis ah ugu ambo-baxay Dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya. Weftigan ka kooban labada Wasiir ayaa galabta ka dhoofay gegada diyaaradaha Magaalada Hargeysa,mana jiro war rasmi ah oo Xukuumadu ka soo saartay booqashadooda iyo mudada ay maqnaanayaaba. Wasiirka Maaliyada Md Xuseen cali Ducaale[Cawil] ayaa madaarka ugu sheegay warbaahinta Qaranka in Socdaalkoodu la xidhiidho sii adkaynta wax uu ku tilmaamay heshiiska wadamada Somaliland Iyo Itoobiya,hase yeeshee waxa uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo ujeedada Socdaalkooda iyo inay wadamo kale uga sii gudbiyaan Itoobiya. Wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay inay la kulmi doonaan Wasiiro iyo xubno ka tirsan Dawlada fadaraalka ah ee Itoobiya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 14, 2007 hadhwanaag 2007-08-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil] ayaa Galabta socdaal kadis ah ugu an-babaxay Caasimada dalka Ethiopia ee Adis ababa Weftigan oo isugu jiray Wasiirada Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil], Hawlaha guud iyo Guryeynta Siciid Sulub Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Telefishanka Qaran Maxamed Muuse Diiriye. “U jeedada Socdaalkayagu waxay la xidhiidha, sii xoojinta iyo wax wada qabsiga xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dalka Somaliland iyo dalka Ethiopia” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale oo ka oo Saxaafada ugu waramayey qolka nasashada ee dhabaha Dayuuradaha ee Magaalada Hargeysa oo sharaxaad ka bixinayey u jeedada Socdaalkooda ay ku tagayaan dalka Ethiopia. Agaasimaha Guud ee Tilifiishanka Qaran Maxamed Muuse Diiriye ayaa isna sheegay mudada ay halkaasi joogaan uu masuuliyiinta dalkaasi Ethiopia kala hadlidoono sidii ay xidhiidh sare u yeelan lahaayeen war-baahinta Somaliland ta Ethiopia oo ay tababar u siin lahaayeen. Socdaalka weftigan ayaan la sheegin mudada ay halkaasi joogayaan iyo arrimaha kale ee ay ka wada hadlayaan marka laga yimaado wixii ay hore u sheegi jireen markasta oo ay safar ugu baxayaan dalka Ethiopia. Quote Share this post Link to post Share on other sites