Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo loogu baaqay in uu la hadlo shacabka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20221014_042837541-1440x810

Siyaasi Axmed Siciid Aw Nuur oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu la hadlayo shacabka oo u caddeeyo qorshihiisa ku aadan dimuqraadiyeynta.

Axmed Siciid oo hadal ka jeediyay goob fagaare ah ayaa yiri “Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni makarafoonka soo istaag oo shacabka Puntland la hadal, warkaaga caddee oo taladaada sheeg oo wixii xalay aad noo sheegtay dadka u sheeg”.

“Xalay waxyaabaha aad noo sheegtay waxaa ka mid ahaa in aadan ku darsi iyo khayaamo jeebka kuugu jirin, bannaanka la soo istaag oo dadka u caddee baan ku leeyahay” ayuu raaciyay.

Axmed Siciid oo ka mid ahaa madaxdii ururada siyaasadda ee habeen hore la kulmay madaxweynaha Puntland, wuxuu sheegay in ay muhiim tahay doorashada goleyaasha deegaanka si buu yiri dalku u yeesho saddex xisbi oo sharciya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo loogu baaqay in uu la hadlo shacabka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this