Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadal uu Wasiir Juxa jeediyay oo caro dhaliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaalka hadalka Juxa

Waxaa hadal hayn ka dhalatay hadal uu xalay munaasabad ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Cabdi Faarax Juxa, kaas oo uu uga hadlay kaalintii ay dhismaha Puntland ka soo qaateen reer Nugaaleed.

“Guryihii baa laga kiraystay, garoobkii baa laga guursaday, goofkiina qaali buu u noqday” ayuu yiri wasiir Juxa oo ka hadlayay sida ay reer Nugaaleed uga faa’iideen dhismihii Puntland.

Hadalkan oo si aada looga falceliyay baraha bulshada ayaa dadkii qaarkii waxay u arkeen mid gef ah oo ku haboonayn inuu ku hadlo mas’uul ka tirsan Puntland.

Wasiir Juxa oo markale ka hadlaya reer Nugaaleed isagoo xiganaya qof kale ayaa sheegay in xilligii Muqdisho burburka ku dhaweyd iyo Garoweda hadda ay isku egyihiin.

“1988 – Muqdisho & Abgaal iyo 2022 – Reer Nugaaleed & Garowe waa isku egyihiin: 1988 reer Muqdisho waxay ka shaqaynayeen kotorabaan, dulaal iyo isku dir oo ma aysan arkay in dalkii soo gubtay, hadana reer Nugaaleedka oo baandhadii 1998 isku helay yeekihii iyo baashigii waxaad moodaa in ay sidii u fakarayaan” ayuu yiri Juxa.

PUNTLAND POST

The post Hadal uu Wasiir Juxa jeediyay oo caro dhaliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this