Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA Oo Ka Baxdey Qodob Kamid Ah Heshiiskii Ay La Gashey Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeysey hakad ku jirey dal-ku-galka (VISA) dalka Kenya in lagu helo baasaboorka Soomaaliga.

Arrintan ayaa ku beegantey wax yar kadib markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Williaim Ruto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa heshiis lagalay 15 July  wax yar ka hor doorshadii dalka Kenya Madaxweynaihii xilka ka sii degaayey, waxaana ka mid ahaa qodobada heshiiskaas.

In muwaadiniinta Soomaalida ee sita baasaboorka diblomaasiyadda ay fiisada ku helaan markii ay garoonka ka soo degaan oo aan lagu dhibin.

In baasaboorka caadiga ah muwaadiniinta wata ee Soomaaliya ay fiisada ku helaan muddo ka yar 10 maalmood.

Waxaa lagu heshiiyey in la furo xuduuda labada dal si loo fududeeyo isu socodka dadka, korna loogu qaado ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay William Ruto ayaa la joojiyey bixinta dal-ku-galka ama VISA, waxaa markii hore lagu sheegay isbeddel shaqo laakiin taasi meesha waa ka baxdey, hadda waxaana jira arrimo siyaasadeed oo kale.

Dhanka kale waxaa shaqeynaya qodobka ugu muhiimsanaa heshiiska ee Kenya ay ku lahayd ee ah in qaadka Miiraaga loo soo dhoofiyo dalka kaas oo xanibaad saarneyd tan iyo sannadkii 2019.

Sida ay warbaahintu ogaatey dowladda federaalku waa ogtahay in Keya ay joojisey bixinta Fiisada, mana jirto wax tallaabo ah oo ay qaadey ilaa hadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this