Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenkii Shabaab Ee Dowaldda Soomaaliya Sheegtay In La Dilay Oo Soo Hadlay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay dagaaladii u dambeeyay ee shalay ciidamadda isbaheysanaya iyo Shabaab ku dhexmaray deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Cali Dheere oo soo duubay cod soconaya 10 daqiiqo ayaa sheegaya in 117 askari ay ku dileen dagaalka, sidoo kalena ay ku furteen hub iyo gaadiid dagaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Cali Dheere ayaa kusoo beegmaya xili dowladda ay sheegtay in 29-kii September ay sarkaalkaasi ku dishay dagaal ka dahcay deegaanka Ceelqooxle, iyadoo dhaawac daran oo dagaalkaas ka soo gaadhay uu ugu geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee Sh.Dhexe, sida idaacadda codka ciidamadda ee SNA Radio baahisay.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale loo baahiyay dhimashada Cali Dheere, isagoo mar danbe soo hadli jiray, sida xogaha ay tilmaamayaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this