Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka soda Somalia oo ka qeybgalaya shirka cimilada iyo amniga ee Berlin + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Berlin (Caasimada Online) – Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu qabtay shir aad u ballaaran oo caalami ah oo ku saabsanaa isbadalka cimilada iyo ammaanka.

Shirka waxaa ka qeybgalay madax kala duwan oo adduunka ka timid, qabiiro iyo daneeyaasha wax ka qabashada arrimaha deegaanka iyo isbadalka cimilada.

Soomaaliya waxaa kulanka uga qeybgalay wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka qaabilsan arrimaha dhinaca deegaanka iyo isbadalka cimilada ee dalka Soomaaliya Ambassador Khadiija Maxamed Al-Makhsoumi.

Shirka oo socday laba maalin waxaa lagu fallanqeeyey sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada isbadalka cimilada, xagga amniga iyo sidii loo wajihi dhibaatooyinka dhanka biyaha ee ka taagan adduunka.

Intii uu shirkaan ka socday magaalada Berlin ayaa wafdiga Soomaaliya ka socday oo ay hoggaamineysay wasiir Al-Makhsoumi waxay kulamo gaar gaar ah la yeesheen madaxdii shirkaan ka qeybgashay qaarkood, waxaana madaxdii la kulantay kamid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Germany.

Wasiir Al-Makhsoumi ayaa dowladda Jarmalka kala hadashay sidii ay kaalin mug leh uga qaadan laheyd arrimaha ku saabsan dhinaca Soomaaliya ee wax ka qabashada isbadalka dhanka cimilada iyo xagga amniga.

Dhanka kale wasiir Al-Makhsoumi ayaa qadka taleefoonka kula hadashay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxayna labada mas’uul ka wada-hadleen isbadalka cimilada Soomaaliya.

Spoke with @IlhanMN on the phone.The Congresswoman and I discussed the issues of Climate Change And Enviromental Protection. We have agreed to lay a foundation of cooperation between the two nations on Climate change and Environmental protection initiatives. pic.twitter.com/xB3k2iVyHJ

— Khadija Mohamed Al-Makhzoumi (@KhadijaMakhzumi) October 12, 2022

“Waxaan taleefonka kula hadlay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka. Waxaan isku raacnay inaan dhidibada u aasno iskaashiga labada dal ee isbeddelka cimilada iyo hindisooyinka ilaalinta deegaanka.”

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Wafdi ka soda Somalia oo ka qeybgalaya shirka cimilada iyo amniga ee Berlin + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this