Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1665653539025.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth, oo dhawaan uu madaxwyenha dalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ka dhexeeya, la-dagaalanka argagixisada.Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Safiir Sebastian Groth ayaa isna ka mahad celiyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, waxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Jarmalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this