Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan aan loo dhammayn la qaatay ururada siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16656130895973464.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay kulan uu xarunta Madaxtooyada kula qaatay ururada siyaasadda iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka (TPEC).

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Caawa waxaan kulan la qaadanay Ururada Siyaasadda iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, Waxaan iska xogwareysanay halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland”.

“Maadaama aan ka warqabno xaaladda iyo wacyiga ay ku shaqeynayaan waxaan garanay inaan taageero dhaqaale la garab istaagno Ururada Siyaasadda si ay u gutaan shaqooyinkooda joogtada ah, sidoo kale waxaan soo dhameystiri doonaa wixii ku xiran xaga Garsoorka ee khuseeya arrimaha Doorashada” ayuu raaciyay.

Kulanka waxaa ka maqnaa qaar ka mid ah madaxda ururada siyaasadda, kuwaas oo qaarkood horay u caddeeyeen mowqifkooda doorashada goleyaasha deegaanka Puntland.

Urur Sincad ayaa shuruudo adag ku xiray doorashada goleyaasha deegaanka, halka ururka Horseed ee hoggaamiyo Senator Cabdiraxmaan Faroole ku tilmaamay doorashada qof iyo cod ee Puntland boob xukuumadda hadda jirta ay waqtiga ku dheeraysanayso.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan aan loo dhammayn la qaatay ururada siyaasadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this