Deeq A. Posted October 12, 2022 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xariga xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliya ee SJS wariye Cabdalle Axmed Muumin oo shalay lagu xiray Muqdisho. War-saxaafadeed goordhaweyd ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa lagu sheegay in Cabdalle Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira. Wasaaradda Wartaafinta ayaa tilmaantay in Cabdalle Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda, waxayna xeer ilaalinta ka dalbatay in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta loo haysto. PUNTLAND POST The post Dowladda oo ka hadashay xariga wariye Cabdalle Muumin appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites