Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo ka hadashay xariga wariye Cabdalle Muumin

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xariga xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliya ee SJS wariye Cabdalle Axmed Muumin oo shalay lagu xiray Muqdisho.

War-saxaafadeed goordhaweyd ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa lagu sheegay in Cabdalle Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.

Wasaaradda Wartaafinta ayaa tilmaantay in Cabdalle Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda, waxayna xeer ilaalinta ka dalbatay in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta loo haysto.

FB_IMG_16656017804704458.jpg

PUNTLAND POST

The post Dowladda oo ka hadashay xariga wariye Cabdalle Muumin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this