Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka 17 Jirada Soomaaliya Oo Gaadhay Final-Ka Tartanka Isreebreebka CECAFA

Recommended Posts

Deeq A.   

Xulka kubbadda cagta 17 jirrada ee Soomaaliya ayaa natiijo ah Rigoodhayaal (7-8) kaga adkaaday xulka 17 jirrada dalka Uganda, ciyaaraha Bariga iyo badhtamaha Afrika.

Labada xul ayaa kulankooda wuxuu kusoo dhamaday 1-1. Xulka Soomaaliya ayaa gool lagaga horreeyay waxay iskasoo badeen intii lagu jiray qeybtii hore ee cayaarta. Kadib markii uu gool aad u qurux badan u dhaliyay cayaaryahan lagu magacaabo Cabdixafiid.

Xulka Soomaaliya ayaa guushan uga dhigan inay u soo gudbeen Final-ka Isreebrebka 17-jirada bariga iyo badhtamaha Africa. Soomaaliya haddii ay ku guulaysato tartankan waxay si rasmi ah uga qeyb gali doontaa tartanka 17 jirada ee CEFAFA oo 2023 ka dhacaya waddanka Aljeeriya.

Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa final-ka la ciyaaridoono kooxda kasoo baxday guruubka labaad, waxayna haddii ay ku guulaystaan noqonaysaa markii ugu horraysay oo tartan noocaan ah ay qaadaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this