Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Dadaal Ku Bixineysa In Cunaqabateynta Hubka Laga Qaado Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa taageero u helaysa ololaheeda ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado, kadib markii Itoobiya ay ku biirtay Uganda oo hore u taageertay tallaabadaas, iyada oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay lagu wado in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda qeyb ka mid ah, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay in laga saaro si ay si wanaagsan ula dagaallamaan argagixisada Al-Shabaab.

Taageerada Itoobiya ayaa timid kadib markii bishii July ay xooggaga Al-shabaab gudaha u galeen dalka Itoobiya, xilli ay Soomaaliya iyo xulafadeeda ka wadeen duullaan ballaadhan oo ka dhan ah ururkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inay tahay in la qaado cunaqabateynta soddonka sano ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si Soomaaliya ay si wanagsan ula dagaalanto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika bishii July inay taageeraan ololahooda ku aaddan qaadista cunaqabateynta, taas oo ay ku jiraan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee laga mamnuucay Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this