Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: SOOMAALIYA iyo Kenya oo wadahadallo cusub ku yeeshay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Thomas Chepkuto.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada waddan ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Danjiraha ayaa sidoo kale dhankiisa sheegay in uu ka shaqeynayo wanaajinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Thomas Chepkuto oo bedelay Lucas Tumbo ayaa waxa uu kusoo aaday xili uu soo wanaagsanaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo aad u xumaa mudadii uu talada dalka hayay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kenya ayaa waxay sidoo kale kamid tahay dalalka ay ciidamadooda nabad ilaalinta u joogaan dalkeena, iyagoo ka howl-gala deegaanada Jubaland, halkaasi oo ay kula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

opm1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 opm2.jpg?resize=696%2C472&ssl=1 opm3.jpg?resize=696%2C510&ssl=1 opm4.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: SOOMAALIYA iyo Kenya oo wadahadallo cusub ku yeeshay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this