Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay 5 danjire cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20221012_181401777-1440x810

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, South Africa, Germany, Denmark, Belgium iyo Bangladesh, kuwaas oo lagu kala magacaabo Mninwa Johannes, Sebastian Groth, Steen Sonne Andersen, Peter Maddens iyo Tareque Muhammad.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay farriimo ay ka sideen boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka ay la wadaagaan dowlada iyo shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan iyo danjireyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkaas, wuxuuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

FB_IMG_16655874060457360.jpg FB_IMG_16655881302892677.jpg FB_IMG_16655873798761684.jpg FB_IMG_16655873480301479.jpg FB_IMG_16655873624757307.jpg

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay 5 danjire cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this