Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo jawaab kulul siiyey siyaasiyiin doonaya inay fashiliyaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gurmadka abaaraha Soomaaliya, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inay jiraan dad dano siyaasadeed leh oo isku dayaya inay fashiliyaan howlgallada dalka looga xoraynayo Al-Shabaab.

” Waxaa ayaan darro ah annagoo Soomaali ah ama qaar naga mid ah ay doonayaan inuuu mishinkaas fashilmo. Waxaad moodaa inaan dhexdeenna ka raadinayno political scoring,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa ka digay in la suurad xumeeyo kacdoonka Al-Shabaab isla markaasna loo yeelo wajiyo kale si aysan meesha uga bixin kooxdaan, wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay si daacad ah u wajahayaan howlgalka socda.

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxdaan Al-Shabaab wuxuuna taas ku sheegay inay tahay fursad qaali ah oo mudan in laga faa’ideysto.

Wuxuu si cad u sheegay inay arrin saxan tahay in dagaalka Al-Shabaab loo adeegsado hab qabiil si kooxda meesha looga saaro, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo mudan in la bogaadiyo.

“Dadkan Soomaaliyeed markastoo isku dayaan inay argigixisada iska qaaadaan waa la gabaayay. Dowladahaa gabaayay. Laakiin, maanta dowladdiiyaa diyaar ah oo safka hore joogta, ” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiishakuur.

Hadalka ergayga abaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyadoo la sheegayo inuu khilaaf ka dhex bilowday saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaya ciidamada ku sugan Cadale ee loogu talo galay inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa socda abaabul xooggan oo la doonayo in kooxda Al-Shabaab looga saaro gobolka Shabeelada dhexe, waxaan deegaanka Cadale gaaray ciidan ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markaan wajaheyso culeyskii ugu weynaa ee soo wajaha tan iyo markii kooxda la abuuray, waxaana la qiyaasi karin meesha uu ku dambeyn doono kacdoonkaan.

The post CC Shakuur oo jawaab kulul siiyey siyaasiyiin doonaya inay fashiliyaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this