Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadka Sooomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Calanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1665573771311.jpg

Madaxweyna Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay, taas oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin.

“Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii loo soo maray xornimada dalkeenna, madax-bannaanidiisa, dowladnimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale maanta waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada argagixisada ay shacabka ku dhibaateeyaan”

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay xoojiyaan dadaallada dalka looga xoreynayo argagixisada caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhabbaha kaliya ee looga guuleysan karo ay tahay midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadka Sooomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Calanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this