Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxayo dagaal ka socda deegaanka Yaasooman ee gobalka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dagaal khasaaro gaystay oo ciidamada dowladda oo kashanaya ciidanka dadka deegaanka ee Macwisleyda iyo ururka alshabaab ku dhex maray gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka socda deegaanka Yaasooman oo qiyaastii 35 km, dhanka waqooyi kaga beegan degmada Buulaburte ee gobalka Hiiraan.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay gurmad ka heleen ciidanka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka.

Maamulka dowladda federaalka iyo kan Hirshabeelle ayaan wax war ah weli ka soo saarin dagaalka ka socda Yaasooman.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this