Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo gacanta ku dhigtay hub iyo gaari kadib howlgal ka dhacay SH/ DHEXE

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay ayaa sheegtay in howlgalkan uu ka dhacay degaanka Buulo Kuuno oo hoostaga Balcad, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Qoraalka dowladda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkani lagu dilay illaa 4 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale nolosha lagu qabtay mid kale.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada howlgalka sameeyey ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo gaari ay wateen xubnaha Al-Shabaab ee lagu weeraray duleedka degmada Balcad, gaar ahaan beero ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda Somalia ay isbedel ka sameeyeen howlgallada ay ka wadaan deegaanada isku xira Balcad iyo Afgooye, halkaas oo markii hore fariisimo ciidan iyo maxkamado ay dadka ugu yeeraan ku lahaayeen Shabaab.

“Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Aragagisadu ay ugu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay ugu baado ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaa agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, howlgalladan oo sii xoogeystay todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa saraakiisha uga dhintay dowladda ka mid ahaa taliyihii Booliska Banaadir, Farxaan Qaroole.

311505331_5535751709814097_8762954949501 311596570_5535751706480764_8400196275819 311381326_5535751669814101_7250423240367 311382984_5535751703147431_2387738015376

The post Sawirro: DF oo gacanta ku dhigtay hub iyo gaari kadib howlgal ka dhacay SH/ DHEXE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this